29 Maarso, 2011, 02:27 GMT 05:27 SGA

Falanqaynta Cayaaraha England Premier League iyo Europe

Media Player

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Ku daar media player kale

Waxaad barnaamijkan ku maqli kartaan falanqaynta Cayaaraha England Premier League iyo tartan is reereebka loogu soo baxayo koobka qaaradda Europe ee sanadka 2012-ka. Waxaa ka qaybqaadaya taageerayaal kubadda cagta ah oo jooga waqooyiga London.

Barnaamijka Sabtidan waxaanu kaga hadalnay falanqayn ku saabsan tartanka English Premier League halka kooxuhu kala marayaan dhibcaha ahaan.

Man U oo hogaaminaysa tartanka fursadda ay u haysato in ay hogaaminta ku dhamaysato tartanka oo gabagabada sidaas koobka ku qaaddo, iyo sidoo kale kooxaha ay ka mid yihiin Arsenal oo ku soo xigta iyo Chelsea oo soo raacda maxaa rajadoodu tahay.

Waxaa kaloo laga hadlayaa Man City, Tottenham iyo Liverpool halkee ayay ku dhamaysan doonaan tartanka. Liverpool-se fursad ma u heli kartaa in ay ka mid noqoto afarta koox ee ugu sareeya tartanka.

Waxaa kaloo kaloo barnaamijku ka hadlayaa cayaaraha Sabtida 26-ka March dhacay ee dalalka qaaradda Yurub loogu soo baxayo tartanka Europe 2012.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.