Stoke V Chelsea

David Luiz Lahaanshaha sawirka Other
Image caption David Luiz, dhowaan ayay soo iibsatay kooxda Chelsea

Waxaa maanta oo Sabti ah cayaaraya kooxaha West Ham iyo Man U.

West Ham waxay 2-4 kaga adkaagay Manchester United. West Ham 2-da waxay dhalisay qaybtii hore, halka Man U 4 gool ay qaybtii labaad dhalisay, 3 ka mid ah Rooney ayaa ka dhaliyay, mid goolasha wuxuu ahaa rigoore.

Waxaa kaloo cayaaray kooxaha:

Birmingham 2-1 Bolton Everton 2-2 Aston Villa Newcastle 4-1 Wolves Stoke 1-1 Chelsea West Brom 2-1 Liverpool Wigan 0-0 Tottenham

Cayaarta ugu dambaysay waxaa yeelanaya Arsenal iyo Blackburn.

Hase yeeshee, iyadoo natiijada guud ahaan cayaaraha aan idinla socon siin doonno, ayaa gaar ahaan si toos ah uga faalloon doonnaa cayaarta dhexmaraysa kooxaha Stoke iyo Chelsea.

Chelsea waxay liiska kaga jirta booska sadexaad ee kooxaha ugu dhibcaha badan oo iyadoo 29 kulan yeelatay ayay 54 leedahay, Arsenal oo isla 29 dheeshay ayaa labaad ah oo 4 dhibcood ka saraysa, iyadoo Man United oo hadda cayaaraysa kulankeedii 31-aad ay leedahay 63 oo 9 ayay Chelsea ka saraysaa.

Stoke oo Chelsea la cayaaraysa 30 kulan ayay dheeshay, waana kooxda tobaad kaga jirta liiska, waxayna leedahay 37 dhibcood iyadoo 26 dhibcood ka hoosaysa Man U oo hogaaminaysa tartanka dhinaca dhibcaha.

Stoke iyo Chelsea waxaa u dhaxeeya 17 dhibcood.