13 Abriil, 2011, 18:31 GMT 21:31 SGA

Qaybta 2-aad waraysiga MO Farah, Video

Media Player

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Ku daar media player kale

araysi Video ah oo BBC ay la yeelatay MO Farah, ayuu kaga hadlayaa taariikhdiisa cayaaraha orodka iyo guud ahaan guulaha uu ka gaaray cayaaraha.

Wuxuu kaloo MO Farah ka hadlayaa sida Soomaalidu mustaqbalka ugu leedahay cayaaraha fudud.

Wuxuu sheegay in uu hadda waddo u diyaargarowga tartanka World Championship, balse sidoo kale uu ka fakarayo in uu ku dadaalo sidii uu natiijo wanaagsan uga keeni lahaa tartanka Olympic-ada adduunka ee sanadka soo socda 2012 lagu qabanayo dalka UK, magaaladan London.

MO Farah, wuxuu horay ugu guulaystay tartamada orodka Europe ee indoors 5000m iyo 10000m oo sanadkii hore uu qaatay isku mar. Wuxuu sanadkan 2012 ku guulaystay tartanka half marathon-ka oo markii ugu horaysay uu waligiis ka qaygalay.

Lama filaynin in uu tartanka qaadayo, iyadoo orodyahan caan ah ay ka qaybgalayeen, iyo iyadoo horay aan tartan noocan ah loogu baran in uu ka qaybgalo.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.