Natiijada kulammadii horyaalka iyo koobka FA

Didier Drogba
Image caption Drogba oo goolkiisa u dabbaaldegaya

Chelsea waxay 3-1 kaga adkaatay kooxda West Brom oo garoonkeeda lagu ciyaarayay isla markaana iyadu gool dhalinta bilawday. ciyaarta inta badan Chelsea ayaa ku gacan sarreysay, labada kooxoodna, siiba Chelsea, waxay iska lumiyeen fursado ay goolal kale ku dhalin kareen.

Kulammada kale waxay u dhaceen sidan:

Birminghan 2 - 0 Sunderland

Blackpool 1-3 Wigan

Everton 2-0 Blackburn

West Ham 1- 2 Aston Villa

Dhinaca kale, kooxda Manchester City ayaa u soo baxday ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka FA ee Ingiriiska kaddib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Manchester United ee ay isku magaalada yihiin hase ahaatee xafiltanka xoogga leh uu ka dhexeeyo. Goolka Manchester City waxaa u dhaliyay laacibka Yaye Toure. Manchester United waxaa laga saaray laacibka Paul Scholes oo garsooruhu warqadda cas u taagay