Manchester United waa horyaalka Ingiriiska

Manchester United Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Goolka guusha ee kooxda Manchester United

Kooxda caanka ah ee Manchester United ayaa ku guulaysatay horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska kaddi markii ay barbardhac 1-1 ah ku kala baxeen kooxda Blackburn oo garoonkeeda lagu ciyaarayay. Goolka waxaa ku horreysay kooxda Blackburn oo uu u dhaliyay Brett Emerton.

Goolkaasi waxaa uu gilgilay Manchester United, waxayna Blackburn dareentay inay gool 2aad dhalin karto hase ahaatee uma suurta gelin. Waxaana dhacday in laga daba yimid daqiiqaddii 73aad kaddib markii goolhaye Robinson ay isku dhaceen Hernandez oo weerar ku jiray dabadeedna uu garsoore Phil Dowd uu tilmaamay penalty ama rigoore taas oo aad uga caraysiisay kooxda Blackburn. Waxaana kubbadda si fiican shabaqa ugu hubsaday Wayne Rooney. 1-1 ayayna ciyaartaasi ku dhammaatay laakiin Manchester United hal dhibic oo keliya ayay u baahnayd si ay horyaalka u qaaddo, taasna way heshay.

Kooxda uu tababaraha u yahay Sir Alex Ferguson hal kulan ayaa weli u harsan oo ay la yeelanayso kooxda Blackpool hase ahaatee taassi wax welwel ah kuma hayso ee waxay u diyaar noqonaysaa ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka horyaalka Yurub oo muddo labo toddobaad gudahood ah ay isaga hor imanayaan kooxda adduunka ugu caansan hadda ee Barcelona ee dalka Spain.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa qaadday koobka FA ee dalka Ingiriiska kaddib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Stoke City ciyaar ka dhacday garoonka weyn ee Wembley. Goolka Manchester City waxaa uu dhaliyay Yaya Toure.