Rabshado ka dhacay ciyaar Canada

Qofka meesha maraya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qof eegaya baabuur ku gubanaya Vancouver

Waxaa iskudhacay police-ka iyo koox rabshooleyaal ah magaalada Vancouer ee dalka Canada kaddib markii kooxda Vancouver Canucks ee ciyaarta xeegada amaba Ice Hockey lagaga adkaaday koobka Stanley ee horyaalka ciyaartaas habeenkii xalay.

dad ka badan 100 kun oo qof ayaa isugu tegay bartamaha magaalada si ay ciyaarta uga daawadaan shaashado waaweyn oo dibadda la dhigay laakiin markii ciyaartu dhammaatay ayaa qaar ka mid ah dadkii daawanayay waxay isu-rogeen rabshooleyaal, iyagoo dab qabadsiiyay baabuur ay qallibeen, dukaammadana bililiqo ugu dhaqaaqay. kooxda ciyaarta ka badisay waxaa la yiraa Boston Bruins.

Duqa magaalada Vancouver, Gregor Robertson, waxaa uu sheegay in rabshadahaasi ay yaxyax iyo ceeb ku yihiin magaalada, kuwa sameeyeyna aysan ahayn taageerayaal sport ee ay yihiin dad tiro yar oo ah ciyaala-suuq ujeedadoodu tahay inay dhibaato geystaan.