5 June, 2011, 17:11 GMT 20:11 SGA

Bidaarta Wayne Rooney oo la daweynayo

Wayne Rooney

Ciyaartoyga Wayne Rooney iyo kooxdiisa

Wayne Rooney waxaa arkay sawir-qaade isagoo ka soo baxaya xarun caafimaad oo ku taalla bartamaha magaalada London taaso dadka timaha loogu beero.
Habkaas oo dhif iyo naadir ah waxaa la sheegay inuu qiimihiisu ku kacayo tobannaan kun oo dollar, waxaana timaha laga soo jaraya qofka madaxiisa qaybta dambe ee timihu ku hareen, laguna beerayaa qaybta hore ee madaxa ee timuhu ka bideen.


Laacibka Manchester United waxaa uu farriin ku soo bandhigay bogga twitter ee Internet-ka taasoo uu ku sheegay"25 jir ayaa bidaar igu gashay, marka miyaaney ahayn inaan wax ka qabto?
Waxaa uu sheegay in meelaha timuhu ka guureen ay weli dildillaacsan yihiin, ayna bararan yihiin. Waxaa uu haddana weydiiyay haddii ay jirto cid garanaysa daawo timaha u wanaagsan.
Hal qof ayaa u soo jawaabay oo u soo diray sawirkiisa oo muujinaya qaab cusub oo timaha loogu sameeyay.
Inkastoo qof kalana uu si hoose uga caraysan yahay isagoo sheegay in dadku ay joojin doonaan inay yiraahdaan waxaad isu-egtihiin ciyaartoyga milyan dheeraha ee Wayne Rooney.
Waddooyinka magaaladan London dadku ma wada qabaan inay lagama maarmaan tahay in Rooney uu timaha loo beero.

qaar waxay qabaan in, maadaama uu lacag badan leeyahay, uu awoodo inuu galo habkaas qaaliga ah. kuwo kale ayay la tahay in bidaartu aanay wax dhibaato ah lahayn ee uu sidiisa iska ahaado.


Wayne Rooney ma ahan ciyaartoygii ugu horreeyay ee kubadda cagta ee ka walaaca timaha ka biday.
Ciyaartoygii ka midka ahaa kooxdii Ingiriiska ee ku guulaysatay koobka adduunka 1966, una ciyaari jiray Manchester United, Bobby Charlton ayaa waxaa ku dhacday inay timuhu ka daataan isagoo la da' ahaa Wayne Rooney.

Bobby Charlton waxaa uu dhowaan daboolka ka qaaday in dabayaaqadii sannadihii 1950-yadii uu ka argagaxay dhaawaca ay sumcaddiisa u geysan karo haddii ay bulsahdu ogaato in bidaari gashay.
Hase ahaatee si kale ayuu dhibaatadaas u xalliyay.
Adduunyadu waxay berigaas soo saartay qaab uu u shanlaysto ama u feerto Bobby Charlton. Waxayna ahayd inuu timaha u haray siidaayo kaddibna uu dusha ka saaro oo ku nabo meesha timuhu ka guureen si bidaarta loo qariyo.


Weli waa la arki doonaa in timaah Rooney loo beeray ay noqdaan sida ugu fiican ee bidaarta loola tacaalo iyo in kale.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.