Cayaarka U21 Europe ee ka socday Denmark

Lahaanshaha sawirka Getty

Cayaaraha kama dambaysta ah ee Europe ee cayaartoyda da'doodu ka hoosayso 21 sano, ayaa ka socda dalka Denmark.

Waxaa isugu soo haray sideed koox oo laba group loo kala qaybiyay.

Group A waxaa ku wada jira dalalka Belarus, Switzerland, Denmark iyo Iceland.

Group B-na, kooxaha Czeckh Republic, Spain, England iyo Ukraine.

Axaddii waxaa garoonka Viborg ku wada cayaaraha Czeckh republic iyo Ukrain.

Waxaa 2-1 ku adkaatay kooxda Czech Republic oo la labada gool uu u dhaliyay kabtankooda Bořek Dočkal.

Cayaarta labaad ee isla group-ka waxay dhexmartay kooxda Spain iyo England.

Waxaa goolka ku hormaray kooxda Spain, cayaartoyda 21 jirka ka yar, daqiiqadii 14-aad waxaa u dhaliyay Hrerrera Ander, iyadoo 1-0 lagu kala nastay.

Waxay ku qaadatay kooxda England in ka badan 60 daqiiqo in ay iska soo guddo goolka lagu lahaa oo cayaarta oo ay ka dhiman tahay oo kaliya laba daqiiqo uu goolka barbar dhaca u dhaliyay cayaaryahanka Wellbeck.

Group-ka kooxda Czech republic ee 21 jirka ka yar ayaa 3 dhibcood ku hogaaminaysa iyadoo Spain iyo England ay ku soo xigaan oo min 1 kala helay. Ukrainne waxba ma laha.

Cayaaraha dhiman ee groupka. 15-ka bishan Czech republic iyo Spain ayaa wada cayaaraya iyadoo Ukraine ay la cayaarayso England, 19 bishana England ayaa la dheelays Czech Republic halka Ukrain iyo Spainna ay kulmi doonaan.

Group-ka B, Belarus ayaa ku hogaaminaysa 3 dhibcood kadib markii ay 11-kii June 2-0 uga soo badisay kooxda Iceland, waxaa iyaduna 3 dhibcood leh kooxda Switzerland oo 1-0 kaga soo badisay kooxda Denmark.

Cayaaraha dhiman ee group-ka waxay dhacayaan 14 June waxaa kulmaya Switzerland iyo Iceland, Denmark-na waxay is arkayaan kooxda Belarus. Halkan 18 June, Iceland ay la cayaarayso Denmark iyo Switzerland ay la dheeli doonta Belarus

Wararka kale ee cayaaraha:

Waxaa xilkii tababarenimada kooxda Birmingham iska casilay Alex McLeish.

Kooxda Birmingham ayaa ku guulaysatay kooxda Carling cup bishii January intii uu tababaraha ka ahaa balse, waxay ugu dambayntii ka hartay tartanka ugu muhiimsan kubadda cagta England ee Premiership-ka.

Guddiga maamula kooxda ayaa horay u sheegay in jagadiisu aysan qatar ku jirin balse waxay hadda u muuqataa in uu isagu goostay in uu isaga tago kooxda.

Waxaa la saadaalinayaa in ay dhici karto in uu u tago kooxda Aston Villa