Natiijada Premier League, Sabti

Tartanka England Premier League, ayaa dib u bilowday.

Sabtida waxaa cayaarihii dhacay natiijadoodu ay noqotay:

Blackburn 1-2 Wolves Fulham 0-0 Aston Villa Liverpool 1-1 Sunderland QPR 0-4 Bolton Wigan 1-1 Norwich

Bolton ayaa sidaas hogaanka ku qabanaysa, oo 3 dhibcood leh, Wolves oo ku soo xigtana 3 ayay leedahay. Marka laga reebo Blackburn iyo Queens Park Rangers oo laga badiyay kooxaha kale hal hal dhibic ayay leeyihiin maadaama ay barbaro noqdeen.

Cayaarta Kooxda Newcastle waxay la cayaaraysaa Arsenal.

Maalinta Axaddana waxaa cayaaraya Stoke V Liverpool iyo West Brom iyo Manchester United.

Maalinta Isniintana Manchester City ayay is arki doonaan kooxda Swansea.