Tartanka Premier League

Tartanka England Premier League, ayaa dib u bilaabanaya. Waxaa ku tartamaya labaatan koox. Waxaa sanadkan ku soo kordhay kooxaha Swansea, QPR iyo Norwich. Kooxaha Birmingham, West Ham iyo Blackpool oo sanadkii hore ku jiray Premier League way dhaceen.

Kooxaha kale waxaa ka mid ah Arsenal, Aston Villa, Blackburn, Bolton, Chelsea, Everton, Fulham, Liverpool, Man City, Man United, Newcastle, Norwich, Stoke, Sunderland, Tottenham, West Brom, Wigan iyo Wolves.

Sida hadda liiska kala horayntu yahay waxaa loo kala hormariyay kooxaha koox walba xarafka ay ka bilaabato sida alifbeetadu English-ka u kala horayso. Arsenal ayaa ugu horaysa waxaana ugu dambaysa Wolves.

Waxaase isbadalka ugu horeeya uu dhacayaa marka ay cayaaraha maanta ay dhacaan:

Blackburn V Wolves Fulham V Aston Villa Liverpool V Sunderland Newcastle V Arsenal QPR V Bolton Wigan V Norwich

Waxaa baaqatay cayaartii dhexmari lahayd kooxaha Tottenham iyo Everton. Taas waxaa ugu wacan kadib markii ay xaafadda Tottenham saameeyeen rabshadihii ka jiray agagaarka garoonka White Hart Lane ee kooxda Tottenham.

Laanta Soomaaliga ee BBC waxay dib u bilaabaysaa maalmaha Sabtida in ay mid ka mid ah cayaaraha Premier League si toos ah idiinku soo dayso.

Maanta waxaan BBC Somali si toos u soo gudbinaysaa cayaarta dhexmaraysa Liverpool iyo Sunderland.