England Premier League

Lahaanshaha sawirka 1

Todobaadkii 3-aad ayay maanta dhacayaan cayaaraha tartanka England Premier League.

Lix cayaarood ayaa maanta la dheelayaa.

Aston Villa V Wolves Wigan V QPR Blackburn V Everton Chelsea V Norwich Swansea V Sunderland Liverpool V Bolton

Kooxaha Man City, Man United iyo Wolves oo badiyay labadii cayaarood ee ugu horeeyay ee mid walba kooxaha uu yeesho ayaa min lix dhibcood ku hogaaminaya tartanka.

Cayaarta ay BBC toos ugu soo gudbinayso dhagaystayaasha waa tan dhexmaraysa kooxaha Chelsea iyo Norwich. Waxay cayaartan billaabanaysaa 5 galabnimo saacadda Africada bari. Waxayna isku mar bilaabanayaan cayaaraha u dhaxeeya kooxaha: Blackburn iyo Everton, iyo Swansea iyo Sunderland.

Aston Villa iyo Wolves, Wigan iyo QPR ayaa iyaguna kullamadooda ay bilaabanayaan 2-da ilaa 2-da iyo barka duhurnimo saacadda Africada Bari.

Cayaarta Liverpool iyo Bolton waxay bilaabanaysaa 7:30 fiidnimo saacadda Africada bari.