Capello oo safi doona John Terry

Lahaanshaha sawirka PA

Tababaraha England Fabio Capello ayaa waxa uu kabtan John Terry u isticmaali doonaa cayaar saaxiibtinimo oo ay la cayaari doonaan dalalka Spain iyo Sweden, sida ay BBC ogaatay.

Terry ayaa waxa baaraya booliiska iyo xiriirka kubadda cagta kadib eedeeymo ku saabsan inuu si xun ula dhaqmay Anton Ferdinand iyada oo cayaar lagu jiray.

Arrinta ayaa waxa la sheegay inay dhacday markii cayaar ay Chelsea 1-0 kaga badisay kooxda Queens Park Rangers bishii hore.

Capello ayaa waxa uu safi doonaa cayaaryahanka ilaa danbi lagu helo.

England ayaa waxa ay la cayaari doontaa Spain oo garoonka Wembley ay kula cayaari doonto 12 November, waxaana saddex maalmood kadib ay marti gelin doonaan Swede.