Machester United 1-0 Sunderland.

Man United Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda Machester United waxay 1-0 uga badisay kooxda Sunderland.

Goolka ay Manchester dhalisay wuxuu ahaa mid kooxda Sunderland ay iyadu iska dhalisay.

Manchester United waxay yeealatay 26 dhibcood, iyadoo lix dhibcood ka hoosaysa kooxda Man City oo hogaan haysa.

Cayaartan Manchester United iyo Sunderland ayaa ku soo beegantay iyadoo tababaraha kooxda Man U, Alex Ferguson uu dabaaldegayo sanadguuradii 25-aad ee markii loo magacaabay tababaraha kooxdan.

Cayaarta waxaa lagu tilmaamay mid Manchester aysan cayaar aad u wanaagsan muujin.