Newcastle 2-1 Everton

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Novermber, 2011, 16:20 GMT 19:20 SGA
Newcastle 2-1 ay kaga badisay Everton

Kooxda Newscastle ayaa kaalinta labaad noqotay ka horta inta aanay dhamaan cayaarta kooxda Man United ay la yeelanayso kooxda Sunderland.

Newscastle waxay ka adkaatay kooxda Everton.

Newcastle, waxaa la dhihi karaa goolka hore ee ay heleen wuxuu ahaa mid ay iska dhaliyeen kooxda e verton daqiiqadii 12-aad, Heitinga ayaa iska dhaliyay.

Isla qaybtii hore daqiiqadii 29-aad, ayaa R Taylor uu u labeeyay kooxdiisa Newcastle oo cayaartu noqotay 2-0.

Balse waqtiga dheeraadka ahaa oo laba daqiiqo ka harsan tahay ayaa cayaaryahanka Rodwell uu mid ka mid ah goolasha soo guday oo cayaarta ka dhigay 2-1.

Everton

Qaybtii labaad wax goolal ah ma kala dhalin labada koox, cayaaruna 2-1 ayay ku soo gabagabowday.

Man City ayaa dhibca ahaa 28 ku hogaaminaysa.

Newcastle 25 ayay yeelatay oo waxay ka hormartay Man United ugu yaraan ka hor natiijada cayaarta Man United iyo Sunderland.

Newcastle ayaa dadka cayaaraha ka faalooda ay aad ula yaaban yihiin horumarka ay samaysay tartan cayaareedka iyadoo aysan jirin cayaaryahanno magac wayn oo kooxda u cayaara.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.