Racfaanka FA ee cayaaraha laga mamnuucay Rooney

Lahaanshaha sawirka 1

Xiriirka kubadda cagta England ayaa racfaan ka qaatay sadexda kulan oo laga joojiyay in uu cayaaro cayaaryahanka Wayne Rooney ee kooxda Qaranka England.

Ganaaxan ayaa keenaya in mid ka mid ah cayaaryahanada England uu ka maqnaado tartanka horyaalnimada dalalka Europe ee sanadka soo socda.

Rooney ayaa laga saaray cayaartii ugu dambaysay ee tartanka loogu soo baxayay oo England ay la lahayd kooxda dalka Montenegro kadib markii lagu eedeeyay in uu laaday cayaaryahanka u cayaarayaya dalkaas.

Awood daridda Wayne Rooney in uu dabeecadiisa maamulo waqtiyada muhiimka ayaa horay u keentay dhowr jeer in cayaaro laga saaro ha ahaato kuwa naadiyada iyo kuwa tartamada dalalka.

Wuxuu awoodi waayay in uu sharaxaad ka bixiyo sababta uu u laaday cayaaryahanka Miodrag Dzudovic cayaartii barbarada ku dhamaatay 2-2 ee Montenegro bishii hore lala cayaaray.

Lahaanshaha sawirka Getty

Wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay wixii dhacay.

Guddiga madaxabanaan ee dhinaca anshaxa ee ururka kubadda cagta europe ayaa go'aan ku gaaray in tallaabo ay ka qaadaan, iyagoo u arkayay weerar toos ah in uu ku qaaday cayaaryahanka ka soo horjeeda, uuna mutaysanayo sadex tartan in laga mamnuuco.

Waa ciqaab la mid ah tan uu mutaysan lahaa hadii dhacdadu ahaan lahayd mid uu ku kacay iyadoo tartanka England Premiership la cayaarayo ee kooxdiisa Manchester United.

Xiriirka FA ayaa si aan la fahmi karin doorbidi lahaa in cayaaryahankooda ugu wanaagsan uu u safo bilow tartanka cayaarta ay la yeelanayaan dalalka Poland iyo Ukrain sanadka soo socda.

Qatarta jirta ayaase ah in racfaanka loo arki karo mid waqti lumis ah, waxaana ay keeni kartaa in ganaaxa loo sii kordhiyo halkii laga dhici lahaa, sida ay Fa-du rajaynayso.