Liverpool Vs Swansea

Liverpool Lahaanshaha sawirka Getty

Kooxaha Liverpool iyo Swansea waxay isla dhaafi waayeen 0-0.

Labadan koox ayaa la filayay in ay kooxda Liverpool gacan sarayn doonto.

Balse barbardhaca ay Swansea la gashay kooxda Liverpool oo garoonkooda lagu cayaarayay wuxuu u dhigmaa guul.

Labada koox ayaa dhibic iyo dhibic la kala hoyday.

Sadex cayaartoy ayaa labada koox calaamadda digniinta ka qaatay.

Liverpool oo tartanka si xowli ah oo badis taxane ah uu ugu bilowday, ayaad moodaysaa in muddooyinkan dambe uusan badnayn cayaaraha ay ku guulaysanayaan.

Waxaase ay ku jirtaa booska lixaad ee tartanka iyadoo ay isku dhibco yihiin kooxda Arseanl min sagaal iyo toban dhibcood.

Waxayse Arsenal kaga horaysaa maadaama marka la kala jaro goolasha koox walba ay dhalisay iyo kuwa laga dhaliyay, kuwa u soo harayaan ay Liverpool badan yihiin.