Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cayaaraha Satbdia England Premiership

Kullamada Sabtida cayaaraha England Premiership inta badan kooxaha sare way cayaarayaan.

Arsenal waxay la cayaaraysaa West Brom.

Aston Villa waxay la kulmaysaa Norwich.

Blackburn iyo Chelsea ayaa kulmaya.

Liverpool waxaa u soo martinaysa kooxda Swansea.

Man United way la dheelaysaa Sunderland.

Newcastle iyo Everton ayaa is arkaya.

QPR iyo Man City-na ay wada cayaarayaan.

Laba Manchester oo tartanka hogaaminaysa ayaa Man City ay ku horaysaa.

Hoostana waxaa ku jira kooxaha Wigan oo u hoosaysay, Bolton oo ka saraysa iyo Blackburn oo booska kooxda 18-aad ku jirta.

Axadda, waxaa wada cayaaraya Wolvampton iyo Wigan.

Bolton iyo Stoke way kulmayaan.

Fulham-na waxaa garoonkooda ugu tagaysa kooxda Tottenham.