FIFA oo ogolaatay xirashada astaanta 'poppy'

Astaanta 'Poppy' ee FIFA ogolaatay in la xiran karo. Lahaanshaha sawirka PA
Image caption FIFA oo ogolaatay in cayaaroydu xiran karaan astaanta ubaxa 'popy'

FIFA waxay ogolaatay in kooxaha England, Scotland iyo Wales ay xiran karaan ubaxa loo yaqaanno 'poppy' oo lagu xusuusto dadkii ku dhintay dagaalada Britain.

Tallaabada ay FIFA ku dhawaaqday ayaa timid kadib markii amiirka Prince William iyo ra'iisul wasaaraha Uk, David Cameron ay waraaqo u qoreen fIFA.

Waxay dalbadeen in in England loo ogolaado in ay xiran karaan funaanado ay ku suntan yihiin ubaxyada 'poppies'.

FIFA ayaa cadiyan mamnuucda fariimaha siyaasadda, kuwa diinta iyo ganacsiga ee lagu sameeyo funaanadaha cayaartoydu ay xirtaan.

England iyo Wales ayaa iyaguna ogolaaday tanaasulka. Scotland waxay wada-tashi la samaynaysaa kooxaha la cayaaraya inta aysan go'aansan.

Marka ugu horaysa, ayaa la filayaa in kooxda England ay xiran doonaan 'poppy' maalinta Sabtida ah oo kooxda Ingiriisku ay la cayaari doonto kooxda dalka Spain.

Xiriirka kubadda cagta Wales wuxuu sheegay in cayaarta ay xiran doonaan asmaahan cayaarta Sabtida ay kooxda la dheelayso kooxda dalka Spain.

Madaxa guddiga fulinta Xiriirka Scotland, Stewart Regan, wuxuu sheegay in uu rajaynayo in kooxda qaranka ay sidaas oo kale yeeli doonaan cayaarta saaxiibtinimo ee dalka Cyprus ay kula yeelanayaa magaalada Larnaca habeenka Jimcaha.

Xiriirka kubadda cagta England ayaa soo dhoweeyay go'aanka FIFA oo ay sheegtay in ay uga mahadcelinayaan.