Soomaaliya iyo Itoobiya barbardhac 0-0

Ciyaar kubadda cagta ah oo magaalada Djibouti ku dhexmartay xulka qaranka ee Soomaaliya iyo xulka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa galabta ku dhammaatay barbar dhac 0-0 ah.

Ciyaartan waxay ka tirsan tahay tartanka is-reebreebka koobka adduunka loogu soo baxayo. Waxaa ciyaarta gasoore ka ahaa dalka Djibouti.

Faahfaahinta waxaad ku maqli doontaan barnaamijka toddobadlaha sport-ga ee BBCda.