Tartanka London Marathon

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ilaa 37 kun iyo shan boqol oo ordaa, oo isugu jira orodyahanno, dad orodka jecel, dad caan ah iyo orodyahanada ugu sareeya cayaaraha ragga iyo dumarka oo ka qaybgalaya tartanka London Marathon.

Wilson Kipsang iyo Mary Keitany, oo ka socday dalka Kenya ayaa ku kala guulaystay orodka dhinaca ragga iyo dumarka.

Wilson Kipsand ayaa in yar u jirsaday in uu jabiyo rikoorka u yaallay tartanka London Marathon.

Kaalinta labaad waxaa galay Martin Lel oo isla Kenya u dhashay iyo sadexaad oo uu galay Tsegaye Kebede oo dalka Ethiopia u ordayay.

Mary Keitany waxay ku guularsatay sanadkii labaad oo xiriir ah. Waxay ku oroday laba saacadood, sideed iy toban daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi.

Mary Keitany guusha ay dalkeeda u soo hoysay kaligeed kumay ahayn ee sidoo kale gabdhaha galay ilaa kaalinta 5-aad ee tartanka dumarka, waxaa ay ka wada scodeen dalka Kenya.

Edna Kiplagat, oo labaad gashay, Priscah Jeptoo, sadexaad, Florence Kiplagat, afaraad iyo Lucy Kabuu, oo kaalinta shanaad gashay.

Dalka Britain gudihiisa macno badan ayuu ku fadhiyaan London Marathon, waxaana ka mid ah in lacago badan oo sadaqo ah lagu uruuriyo.

Waa tartankii 32-aad ee London Marathon.

Waana tartan si xoog leh u soo jiita cayaarahanada orodka ugu caansan adduunka.

Sanadkan cayaaryahanada ka maqnaa waxaa ka mid ahaa: MO Farah, oo ka soo jeeda Soomaaliya balse u ordo dalka Britain.

MO waxaa uu isku diyaarinayaa tartanka London Olympic oo wax ka yar boqol maalmood ay ka harsan yihiin in uu ka furmo magaalada London bisha June.