Man City oo hanatay koobka England Premiership

Lahaanshaha sawirka Getty

Cayaarihii ugu dambeeyay tartanka England Premiership ee 2012 ayaa maanta soo gababoobaya.

Dhamaan 20-ka koox way cayaarayaan:

Chelsea 2-1 Blackburn Everton 3-1 Newcastle Man City 3-2 QPR Norwich 2-0 Aston Villa Stoke 2-2 Bolton Sunderland 0-1 Man United Swanse 1-0 Liverpool Tottenham 2-0 Fulham West brom 2-3 Arsenal Wigan 3-2 Wolves

Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa isku dhibco ah balse goolal ayay ku qaaday Manchester City.

Arsenal ayaa sadex gashay oo 70 dhibcood yeelatay, halka Tottenham ay 4 gashay iyadoo dhibic ka hoosaysa Arsenal.

Waxaa tartanka ka hara kooxaha Bolton, Blackburn iyo kooxda Wolves.