Cayaaraha Euro 2012 ee Ukrain iyo Poland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 June, 2012, 01:54 GMT 04:54 SGA

Talyaaniga iyo Croatia.

Waxaa ay ku soo dhamaatay 1-1, ay labada koox isla dhaafi waayeen.

Talyaaniga ayaa goolka ku hormaray oo qaybtii hore ee cayaarta oo ay ka dhimantay lix daqiiqo uu u dhaliyay cayaaryahanka Andreo Pirlo.

Waxaa uu ahaa bulusyoone ama laad toos ah oo kubadda iyadoo aan meelna ku leexan shabaqa meel sare ka gashay.

Hase yeeshee, kooxda Croatia oo aan marnaba quusan ayaa cayaaryankooda Mandzukic uu darbo la helay kubad karoos ah oo uu gaari waayay difaaca Talyaaniga.

Cayaarta ayaa ku dhamaatay 1-1, inkastoo labada kooxba ay fursado qaali ah iska qasaariyeen oo ay ka mid ahaayeen cayaaryahanka Baloteli oo fursado dhowr ah helay balse darbado xoog leh oo uu ganay jiha kasta ka mariyay goolyaha Croatia balse uma suurtagalin in uu goolna dhaliyo.

Spain iyo Ireland Republic

Cayaarta kale waxay Khamiistii dhexmartay kooxda dalka Spain oo sanadkii hore qaaday koobka loo tartamayo ee Europe oo la cayaarta kooxda Jamhuuriyadda Ireland.

Waxaa gooldhalinta bilaabay Torres, oo daqiiqadii 4-aad u dhaliyay Spain goolka koowaad.

Waxaa ahayd kuwad uu weerar ah oo difaaca Ireland uu iska saari waayay.

Silva ayaa u labeeyay 4 daqiiqo markii ay socotay qaybta labaad. Waxay ay ahayd kubad uu si xarago leh u dhaafiyay difaaca Ireland.

Ugu dambayntiina waxaa goolasha soo afjaray Fabregas.

Spain waxay Jamhuuriyadda Ireland uga badisay 4-0.

Group-ka C ee kooxahan ay ku wadajiraan waxaa hogaaminaya Spain oo 4 dhibcood leh oo inkastoo ay dhibco siman yihiin Croatia ka horaysay laba gool, Talyaaniga laba dhibcood ayuu leeyahay 2 dhibcood ayuu leeyahay waxaana u dhiman Ireland, Spain iyo Croatia-na iyagaa isla cayaari doona.

Cayaaraha maanta dhici doona waa kuwo ay yeelanayaan kooxaha ku jira Group-ka D.

Ukrain waxay la cayaaraysaa Faransiiska, Sweden iyo England-na way kulmayaan fiidkii.

Ukrain, ayaa ah koox kaliya ee sadex dhibcood leh, iyadoo horay 2-1 uga soo badisay kooxda Sweden. Kooxaha Faransiiska Iyo England-na barbarro ayay horay u soo galeen, oo min hal dhibic ayay leeyihiin.

Group-yada kale, Group B Jarmalka ayaa horaaminaya oo lix leh, Portugal oo ku xigta iyo Denmark min sadex dhibcood ayay leeyihiin. Holland oo ka mid ahayd kooxaha looga rajo qabo qaadidda koobka way ka hartay tartanka maadaama laba goo ay ka soo kala badiyeen Denmark iyo Germany.

Group A, Russia ayaa 4 ku hogaaminaysa, dhibic ayay ka horaysaa Czech Republic, Poland ayaa laba leh, Greece-guna dhibic kaliya ayuu leeyahay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.