Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Geerida Saamiya Yuusuf

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Saamiya Yuusuf Cumar, badda Libya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ayay ku dhimatay bishii April.

Dhowaan magaalada London waxaa lagu soo gabagabeeyay cayaaraha tartanka London 2012 ee Olympic-ada adduunka, iyadoo Soomaaliya ay uga qaybgaleen Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xassan oo ka kala qaybgalay orodka 200m iyo kan 1500 mitir.

Hase yeeshee, waxaa dhowaan la ogaaday in Samia Yuusuf Cumar oo Soomaaliya u matashay cayaarihii Olympic-ada ee ka dhacay Beijing sanadkii 2008 ay ku dhimatay badda bishii April ee la soo dhaafay iyadoo isku dayaysa in ay dhinaca Libya kaga soo talaabto Talyaaniga.

Cabdiraxmaan Koronto ayaa Hodan Yuusuf Cumar oo la dhalatay Samia kula xiriiray telefoonka iyadoo joogta xero qaxooti oo ku taalla dalka Finland.

Wuxuu marka hore waydiiyay qof noocee ah ayay Saamiya ahayd?