Nigeria oo qaaday koobka Qaramada Afrika

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Febraayo, 2013, 00:42 GMT 03:42 SGA
Nigeria

Ciyaartoyda Nigeria ayaa la gudoonsiiyay koobka Qaramada Afrika.

Kooxda dalka Nigeria ayaa ku guulaysatay koobka Qaramada Qaaradda Africa kadib markii ay gool iyo waxba kaga badisay kooxda dalka Burkina Faso.

Goolka kaliya ee cayaartan ka dhashay, waxaa dhaliyay cayaaryahanka Mba Sunday cayaarta oo maraysa sodon iyo sagaal daqiiqo.

Waxay ahayd cayaar deganaan ku bilaabatay, oo labada kooxba ay Daqiiqadii ugu horaysyba Nigeria oo aan Burkina Faso oo aan kubadda taaban ayaa Nigeria markiiba ula tagtay goolhayaha Burkina Faso Daikite Daouda oo kubadda isku duubay.

Tobankii daqiiqo ee ugu horaysay Nigeria waxay heshay ilaa sadex fursadood oo gool noqon karay balse uma suurtagalin.

Daqiiqadii sided iyo tobanaan Maxamed Koffi ayaa kubad uu ka difaacay weerarka Nigeria markii u sii salaxa Nigeria iyadoo weeraryahnkoda balse markii dambe dibedda isaga saray markii ay goolka afkiisa ay isugu dhiidhiibeen.

Shan iyo labaatankii daqiiqo ee ugu horeeyay waxaa haysashada kubadda badnaa kooxda Nigeria.

Daqiiqadii 39-aad ayaa Nigeria ay heshay gool uu u dhaliyay cayaaryahanka Mba Sunday.

Cayaarta oo wixii markaas ka horeysay xiisaheedu yaraa ayaa mar kaliya isku rog mid dardar badan maadaama Burkina Faso ay xoogga saarta in ay goolka iska soo guddo ka hor inta aan seeriga kala barka la yeerin.

Waxaa cayaarta lagu kala nasta goolkaas ay ku horayso kooxda dalka Nigeria oo u dhaliyay cayaaryahanka Sunday Mba.

Markii qaybta labaad la isugu soo laabtay, waxaa fursadii ugu horaysay ee gool loo fisho helay daqiiqadii 47-aad kooxda Nigeria.

Daqiiqadii 58-aad cayaaryahanka Bance ayaa kubad uu Balima ka soo ganay bannaanka sided iy o toban madaxa la helay balse goolhaye Vincent Enyeama gacant uu galiyay.

Labada kooxba fursado qaali ah oo gool noqon karay ayay ka faa;iidaysan waayen.

Ugu dambayntiina waxay cayaartu ku soo gabagabowday 1-0 ay ku badisay kooxda dalka Nigeria.

Kulanka kadib ayaa la kulmay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalka Djibouti, Suleymaan Xassan Waaberi, oo aan waydiiyay sida uu u arko natiijada cayaarta:

Sidoo kale dhalinyaro Soomaali oo iyaguna cayaarta ku daawanayay garoonka Soccer City ee Johannesburg ayaa iyagu iiga waramay dareenkooda:

Inta aysan cayaarta bilaaban ayay xaflad xiritaan ah loo sameeyay gababagada kulanka.

Waxaa fariinta ugu wayn ee ay gudbinaysay ay ahayd la dagaalanka cudurka malaria-da.

Waxay kaloo xafladda lagu soo bandhigay muuqaalka qaaradda Africa oo qaar ka mid ahna dhalinyarada dhoolatuska samaynaysa ay gudaha muuqaalkaas ay ku qoob-cayaarayeen.

Fanaaniin dhowr ah ayaa ka qaybgashay.

Muuqaalka magaalo wax walba u dhan yihiin baabuurtii, nalalkii jidadka geedihii, waxaa uu ahaa meherijaan midabayan oo si qurux badan loo soo agaasimay.

Ugu dambayntii waxay sameeyeen afar xaraf oo loo soo koobay ‘I love South Africa’, waan jeclahay koonfur Africa kadibna waxaa loo kala baxay laba koox oo ku tartamaysa ku cayaaridda muusiga.

Boor wayn oo ay ku qoran tahay ‘celebrate africa’ Dabaaldeg African ayaa garoonka lagu soo dhex wareejiyay.

Dhalinyarada qoobka cayaarka ayaa si xoog leh loogu qayliyay markii ay soo xirteen jaakado u eg calamada labada dalka ee final-ka ku kulmayay ee Nigeria iyo Burkina Faso.

Labada calan ee labada dal ee Cagaarka dhexda cadaanka uga jiro iyo guduudka iyo cagaarka xiddiga jaalaha ah dhexdu kaga taallo ayaa lagu soo muujiyay boorar waawayn.

Cayaaraha Africa ee sanadka 2013, ayaa sidaas lagu soo gabagabeeyay, iyadoo Nigeria ay ku guulaysatay, waxaa labaad galay Burkina Faso, Sadexaad Mali iyadoo Ghana ay sanadkan ku hartay kaalinta afaraad.

Waa markii sadexaad oo dalka Nigeria uu ku guulaysto koobka qaaradda Africa, markii ugu dambaysay waxay ahayd sanadkii 1994 markaas oo uu kabtan u ahaa Steven Keshi oo hadana kooxda tababare u ahaa.

Kooxaha Ghana iyo Cameroun oo min afar jeer qaaday iyo Masar oo 7 qaaday ayaa ka koobab badan oo kaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.