Wararkii ugu dambeeyay horyaalka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Mey, 2013, 19:06 GMT 22:06 SGA
Gareth Bale

Laacibka Gareth Bale ee Tottenham

Waxaa heer gebagebo ah maraya tartanka horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska iyadoo Manchester United sanadkan goor hore ku guulaysatay koobka inta aan la gaarin dhammaadka ciyaaraha.

Hase ahaatee waxaa galabta barbar dhac la kulantay kooxda Manchester City oo kaalinta 2aad ku jirta laakiin aan hadda laga yaabin inay taasi waxyeello u geysato kaalinteeda.

Kulammada xiisaha gaarka leh ee galabta dhacay waxaa ka mid ah ciyaar dhexmartay kooxaha Tottenham oo kaalinta 4aad u tartamaysa iyo Southampton oo meel dhexe joogta hase ahaatee la degi gaartay Tottenham oo dhowr jeer ay ku qaadday weerarro oo gool iyo ka badanba ay ku dhalin kareen.

Natiijadii waxay noqotay 1-0 ay ku adkaatay Tottenham kaddib markii Gareth Bale oo darbad xoog leh meel fog ka dhaliyay.

Ciyaarta kale ee galabta isha lagu hayay waxay dhexmartay Arsenal oo ka cabsi qabtay in kooxda QPR ay u qoonsato kaalinta 4aad ama 3aad ee ay u tartamayso maadaama QPR ay ka mid tahay kooxaha sanadkan horyaalka ka soo haray ee hoos u dallacay, hase yeeshee waxay ciyaartaasi ku dhammaatay Arsenal oo 1-0 dirqi ah ku dhaaftay QPR sidaasna hadda ku taagan kaalinta 4aad.

Ciyaaraha kalana:

Fulham 2- 4 Reading

Norwich 1- 2 Aston Villa

Swansea 0-0 Man City

West Brom 2-3 Wigan

West Ham 0-0 Newcastle

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.