FIFA oo ka hortegeysa cunsuriyadda sport

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Mey, 2013, 15:04 GMT 18:04 SGA
Sepp Blatter

Guddoomiyaha FIFA Sepp Blatter

FIFA waxay si buuxda ugu codeeyeen ku dhaqanka tallaabooyin adag oo cusub si looga hortago cunsuriyadda iyo midab kala sooca sport-ga ka dhex jira.

wufuud wakiillo ka ah in ka badan 200 xiriirro kubbadda cagta oo ka tirsan FIFA ayaa waxay ka fekerayeen warbixin guddi loo xilsaaray wax ka qabadka dhibaatadan oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka FIFA, Jeffrey Webb, taas oo guddoomiye ku-xigeenku uu ku tilmaamay inay baraarujin u tahay kubbadda cagta.

Hindiseyaasha la isku raacay shirweynaha FIFA ee sanadkiiba mar la qabto oo ka dhacay Mauritius waxaa ka mid ah in dhibco laga jaro kooxaha qaranka ama laga mamnuuco inay mustaqbalkka u soo baxaan koobka adduunka haddii taageerayaashoodu ay ciyaartoyda ka soo horjeedda midabkooda ku caayaan.

Toddobaadkii hore, saraakiil ka tirsan xiriirka kubbadda cagta ee Yurub waxay ku dhawaaqeen tallaabooyin adag oo iskood ay u qaadayaan si ay ula dagaallamaan gefafka cunsuriyadda ku dhisan. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ah in ciyaartoyda toban ciyaarood la ganaaxo iyo in garoomada ciyaaraha la xiro haddii ay daawadayaashu xadgudbaan.

Dhinaca kale, FIFA waxay doorteen haweeneydii ugu horreysay ee ka mid noqota guddiga fulinta ee xiriirka; waxaa lagu magacaabaa Lydia Nsekera oo reer Burundi ah.

labo kale oo haween ah ayaa loo xushay inay ka mid noqdaan guddiga fulinta ee FIFA.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.