Arsenal si xun ayay ku bilawday tartanka

Image caption Tababaraha Arsenal, Wenger, oo garsooreyaal la hadlaya

Waxaa 17-ka August bilawday tartanka horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska oo ay ku tartamayaan 20 kooxood.

Toddoba ciyaarood ayaa Sabtidan qabsoomay waxayna kooxuhu iskugu dhaceen, una kala badiyeen sidatan:

Liverpool 1_0 Stoke

Arsenal 1_3 Aston Villa

Norwich 2_2 Everton

Sunderland 0_1 Fulham

West Brom 0_1 Southhampton

West Ham 2_0 Cardif

Waxaa tartanka si xun ku bilawday kooxda Arsenal oo goolasha ugu badan laga dhaliyay maalinta koowaad, isla markaana saddex ciyaartoy ka dhaawacmeen, mid kalana ciyaarta laga saaray.

Arsenal oo gurigeeda looga badiyay weliba gool 4aadna waa laga dhalin karay laakiin Aston Villa ayaa iska lumisay fursaddaas.

Swansea iyo Manchester United oo iyaga ciyaartoodu bilaabatay 17:30 saacadda London waqtiga natiijadan la daabacay ciyaartoodu waxay maraysay qaybtii hore 2_0 ay ku horreysay Man United.