Manchester City waa sigatay

Image caption Manchester City oo gool u dabbaaldegeysa

Labo gool oo qaybtii dambe ay kala dhaliyeen Alvaro Negredo iyo Yaya Toure ayaa Manchester City u xaqiijiyay saddexda dhibcood ee ay ka qaadatay kooxda Hull oo ka mid ah kooxaha sanadkan ku soo biiray tartanka Ingiriiska.

Hase yeeshee Hull waxay heshay fursado fiican qaybtii hore ee ciyaarta laakiin way iska khasaariyeen iyadoo laacibka Sone Aluko uu goosha dhinac mariyay kubbadda kaddib markii ay isku soo hareen isaga iyo goolhaye Jo Hart oo keliya. Hull waxay soo bandhigtay ciyaar ka fiican intii laga filayay waana nasiib darro inaysan kulankaas dhibicna ka helin.

Manchester City sidii laga filayay way ka hooseysay ciyaarteedu waxayna ku sigatay in toddobaadkii 2aad ee xiriir ah laga badiyo iyadoo Sabtidii hore ay saddex gool ku dhufatay kooxda Cardif oo ka mid ah kooxaha sanadkan horyaalka ka soo qayb galay, halkaas Man City ay kulankaas ka dhalisay labo gool oo keliya.

Tababaraha Hull Steve Bruce waxaa uu yiri'' si wanaagsan ayaan u ciyaarnay laakiinn cilladdeennu waxay ahayd xagga gool dhalinta oo dhibaato naga qabsatay''.