kulammada maanta iyo kuwii shalay

Image caption Ciyaartoyga Tottenham ee Gareth Bale

Tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska: galabta waxaa dhacaya kulammo waaweyn: Liverpool waxay is-arkayaan Manchester United. 13:30 waqtiga London ayay bilaabanaysaa ciyaartoodu.

West Brom iyo Swansea way isku aaddan yihiin isla saacaddaas.

Waxaase ciyaar la saadinayo in aysan sahleyn ay dhexmari doontaa Arsenal iyo Tottenham afarta galabnimo ee waqtiga London ...

Kulammadii shalay galab dhacayna waxaa loo kala badiyay:

Manchester City 2-0 ayay ku bartay Hull.

Cardif iyo Everton 0-0 ayay isla dhaafi waayeen.

Newcastle 1-0 ayay uga badisay Fulham.

Norwich 1-0 ayay uga badisay Southampton.

Stoke 1-0 ayay ku martay West Ham.

Crystal palace 3-1 ayay ku dhufatay Sunderland.