Natiijooyinka horyaalka ee toddobaadkan

Image caption Kooxda Manchester City

Waa toddobaadkii 5aad ee tartanka horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska ee sanad-ciyaareedka 2013/2014.

Kooxuhu waxay u wada ciyaareen:

Arsenal 3_ 1 Stoke

Crystal Palace 0_2 Swansea

Cardif 0_1 Tottenham

Manchester City 4_1 Manchester United

Norwich 0_1 Aston Villa.

Liverpool 0_1 Southampton.

Newcastle 2_3 Hull

West Brom 3_0 Sunderland

West Ham 2_3 Everton

Chelsea 2_0 Fulham.

Horyaalka waxaa hoggaanka u haya kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo min 12 dhibcood leh. Waxaa ku xiga Chelsea iyo Manchester City iyo Liverpool oo hadda leh min toban dhibcood. Waxaa ku xigta kooxda Everton oo leh sagaal dhibcood iyo Southampton.

Waxaa Axaddan guuldarro weyn la kulantay Manchester United tan iyo intii uu maamulka qabtay tababaraha cusub, David Moyes.

Waxaa kaloo Sabtidan dib u dhac ku yimid kooxaha Liverpool iyo Newcastle oo guuldarrooyin lama filaan ah la kulmay. Waxaana si fiican u badisay Chelsea oo ciyaar adag oo laga baqayay inay lumiso kaga guulaysatay Fulham.