Labada Manchester waa laga badiyay

Tottenham iyo Chelsea
Image caption Kulankii Tottenham iyo Chelsea

Manchester United waxaa ka badisay West Brom, halka Manchester City looga badiyay garoonka Aston Villa.

Chelsea waxaa sigtay Tottenham oo barbardhac ay ku kala baxeen.

Waa toddobaadkii 6aad ee tartanka horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska ee sannad ciyaareedka 2013/2014. Galabta kooxaha waxay u wada ciyaareen:

Tottenham 1-1 Chelsea.

Aston Villa 3-2 Manchester City.

Fulham 1-2 Cardif

Hull 1-0 West Ham

Manchester United 1-2 West Brom

Southampton 2-0 Crystal Palace

Swansea 1-2 Arsenal weli waa socotaa.

Horyaalka waxaa hoggaanka u qabatay Arsenal oo leh 15 dhibcood, waxaana ku xiga Tottenham oo 13 dhibcood leh.

Chelsea iyo Southampton waxay leeyihiin min 11 dhibcood. Waxaana min 10 dhibcood leh kooxaha: Manchester City, Liverpool iyo Hull.

Tababaraha Man United Moyes waxaa uu sheegay inaysan kooxdu si fiican u ciyaarin, halka tababaraha Man City Pellegrini uu ka rumaysan waayay guuldarrada uu la kulmay.