Itoobiya waa laga badiyay

  • 13 Oktoobar 2013
Image caption Kooxda qaranka ee Nigeria.

Natiijada ciyaartii Ethiopia 1 Nigeria 2 waxay ahayd kulankii koowaad ee labada kooxood dhexmara tartanka loogu soo baxayo koobka adduunka ee sanadka dambe lagu qaban doono dalka Brazil.

Waxaana ciyaartani ka dhcday magaalada Addis Abeba. Kulanka labaad waxaa uu ka dhici doonaa dalka Nigeria 16-ka bisha dambe ee Novembar.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay: Ethiopa - Behailu Assefa daqiiqaddii 56aad Nigeria - Emmanuel Emenike daqiiqaddii 67aad iyo daqiiqaddii 90aad penalty (rigoore) loo dhigay uu isagu dhaliyay.

Qaybtii koowaad waxaa lagu kala nastay 0-0 Ethiopia waa ciyaartay laakiin waa laga badiyay. Waxaana ciyaarta dhexdhexaadinayay garsoore: Alioum oo u dhashay Cameroon.