Abaalmarinta cayaaryahanka kubadda cagta Africa ee BBC

Shan Cayaaryahan ayaa isugu soo haray tartanka abaalmarinta cayaaryahanka kubadda africa ee BBC.

Waxay kala yihiin Yaya Toure, oo hadda u cayaara kooxda Manchest City iyo dalka Ivory Coast.

Victor Moses oo kooxda Chelsea u cayaara iyo kooxda dalkiisa ee Nigeria.

Jonathan Pitroipa oo ka cayaara League-1 Faransiiska, wuxuu sidoo kale u saftaa kooxda qaranka ee Burkina Fasto.

John Mikel Obi, wuxuu hadda u cayaaraa Chelsea, isagoo kooxda qaranka ee Nigeria-na u safta.

Iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo u cayaara kooxda Germany ee Dortmund iyo dalkiisa Gabon.

Halkan ayaad ka codeyn kartaan adinkoo dhagsiinaya xiriirka hoos ku qoran: