Taariikhda Victor Moses

Da’diisu waa 22, Victor Moses waxa uu hadda la joogaa naadigii afraad. Waana joogitaan deyn ah oo Liverpool iyadoo laga keenay Chelsea – taasi oo go’aamin doonta inuu noqdo xiddig ama uu ku guul dareysto in heerka sare uu gaaro.

Cayaartooygan Nigeria waxa uu leeyahay dhammaan wixii loo baahnaa; wax wuu gubi karaa, goolka ishiisa ayaa qabata, wuxuu awoodaa siduu doono u cayaaro ama khadka dhexe inuu ka weerartamo.

Moses waxa uu cayaarihii ugu sareeyay ka bilaabay Crystal Palace, halkaasi oo uu ka cayaaray 2007 ilaa 2010, isagoo dhaliyay 11, markii uu saftay 58 jeer ka hor inta aanu u wareegin Wigan. Laba sano oo uu la joogay Latics, waxa uu dhaliyay 8 gool 74 cayaarood.

Bishii August 2012 waxa uu soo degay London kadib markii Chelsea ay si rasmi ah u oggolaatay lacag 9 milyan oo gini Wigan laakiin wareeggaasi waxa uu keenay hal gool keliya 23 cayaar oo dhinaca Stamford Bridge u saftay.

Waxa uu ku biiray Liverpool oo deyn ah bishii September waxaana markiiba uu sameeyay saameyn waxaana uu gool ka dhaliyay Swansea. Ilaa markaasi waxa ii lix cayaar u saftay Reds, waxaana uu ka dhigay Naadiga mid awood ku bilaabay tartanka.

Heer caalami, Moses waxa uu naftiisa siiyay Nigeria inkasta oo uu England matalay heerar hoose, ilaa 21 jir, waxaana uu gacan ka geystay in kooxda Super Eagles ee Nigeria qaadaan koobka Qaramada Afrika ee 2013.

MAQAAL RA’YI

VICTOR MOSES

Waxaa Qoray weriyaha BBC ee cayaaraha Nick Cavell

Victor Moses waa mid ka mid ah cayaartooyda u baahan inay bilaabaan cayaar walba ee naadigooda ama dalkooda si uu uga yaabiyo marka uu cayaaro.

Waxa uu ka faa’iideystaa fursad walba ee la siiy, taasin waxaa laga arkaa mar walba oo uu garoonka galo. Iyo weliba dhisnaantiisa iyo sida ay uga go’an tahay, Moses hore wuu ka cayaari karaa waxaana uu caado u leeyahay inuu goolal dhaliyo waqtiyo muhiim ah.

Inta badan oo uu meel walba ka cayaaro waxa uu sidoo kale ku wanaagsan yahay in la dhigo weeraryahanka labaad haddii loo Waco.

Chelsea iyo Nigerai labaduba waa inay u mahadceliyaan Moses gacanta uu ka geystay in ay ku guuleystaan billado 2013.

Kooxda Chelsea waxa uu ugu dhaliyay goolal labada lugood markii ay ku guuleysanayeen koobka Europa League.

Koobka Qaramada Afrika waxa uu ka mid ahaa cayaaryahanada ugu muhiimsan Nigeria, waxaana degenanaanshihiisa ay sababtay inuu u dhaliyo laba goo loo rigoore ah oo ay ugu soo baxeen quarter finals.

Sanadka oo dhan waxaa ku yimid inuusan ka qeybgalin cayaaro badan oo caalami ah iyo kuwo naadigiisa sababtoo ah dhaawacyo soo gaaray.

Moses waxa uu iska dhigayaa cayaartooy muhiim ah kooxda Liverpool taasi oo calaamadaheedii la arkayo bilowga cayaaraha xilliga 2013/2014 oo uu ka dhaliyay Swansea.

Isaga oo heysta Luis Suarez iyo Daniel Sturridge oo weeraryahannada naadiga ugu cad ah ayaa Moses doorkiisa muhiimka ah waxa uu yahay nin qeybiya kubbadda.