Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faalooyinka ciyaaraha caalamiga ah

Maanta waxaa laga nasanayaa ciyaaraha tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska. Waxaana meeshoodii galay ciyaaro caalami ah oo ay ka qayb gelayaan kooxaha Ingiriiska qaarkood.

Sidaasi darteed barnaamijkan waxaan uga hadlaynaa ciyaarahaas caalamiga ah, kulammo ka tirsan is-reeb-reebka koobka adduunka loogu soo baxayo oo dhexmaray kooxo ka tirsan Yurub iyo Afrika, tartanka kubbadda cagta ee dhallinyarada 21 jirka ka hooseeya. Waxaan kaloo eegi doonna xaaladda horyaalka Ingiriiska halka ay kooxuhu kala marayaan:

Faallooyinka ciyaarahaas waxaa ka qayb gelaya Axmed Cabdinuur, Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad iyo Maxamed Axmed Deysane.