Cayaartaha Sabtida ee England Premiership

Cayaarihii dhacay Sabtida dhamaan waa lagu kala guulaystay marka laga reebo Southampton iyo Man City oo 1-1 ku kala baxay.

Waxaa ugu darnaa natiijooyinka tii ku dhacay Manchest United, oo kooxda Newcastle ay ugu tagtay garoonka Old Trafford oo walina ay kaga badisay 1-0. Waxaa taas ay keentay in rajadii Koobka ee Man U ay sii yaraato.

Waxaa taa soo raaca Chelsea, oo iyaduna guuldarro la kulantay markii ay booqatay Stoke, balse lagu dhuftay 3 gool halka laba gool iyadu dhalisay.

Kooxda Liverpool boorka ayay iska jaftay oo waxay 4-1 ku tuntay kooxda West Ham.

Kooxaha kale ee badiyay waa Crystal Palace oo 2-0 uga badisay kooxda Cardiff oo marti u ahayd.

Norwich, ayaa iyaduna 2-0 ku tuntay kooxda West Brom.

Kooxda Tottenham ayaa iyaduna u tagtay Sunderland, oo ku quusisay 2-1.

Dhamaan natiijooyinkaas waxba kama badalin hogaanka oo ay wali fadhido kooxda Arsenal oo hal cayaar la dheer yahay, waxayna leedahay 34 dhibcood, iyadoo beri la cayaaraysa kooxda Everton.

Cayaaraha kale ee beri Fulham ayaa la cayaaraysa Aston Villa.

Liverpool iyo Chelsea min 30 dhibcood ayay leeyihiin, Mancity 29 iyo kooxaha Everton iyo Tottenham oo min 27 dhibcood leh.

Southampton waa kooxda kaalinta sided ku jirta, iyadoo Man United-na ay tahay kooxda sagaalaad, waxay ka horaysaa Aston Villa.

Sunderland way ugu hoosaysa oo sided dhibic ayay leedahay, waxaa lab aka horaysa Fulham, iyadoo Crystal-na ay ku jirto booska dhicidda iyadoo leh 13 dhibcood.