Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xulka ciyaaraha qaboobaha ee Soomaalida

Ciyaarta loo yaqaan Xeegada ee barafka lagu dheelo ma ahan mid ay dad badan yaqaanaan. Qaab ahaan waxaa lagu ciyaaraa garoon baraf ah oo la eg ballaca garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta.

Waddamada ku guulaysto tartamada ciyaaraha Xeegada, ayaa ah kuwa uu barafka ka dhaco ee cirifka waqooyi ee dunida, sida Sweden, Finland iyo Ruushka.

Laakiin tartanka sanadkan ee ciyaarta Xeegada ee bilaabanaysa dabayaaqada bishan, waxaa ka qeybgalaysa koox aan horay looga baran in ay tartankan ka qeyb qaadato.

Kooxdaasi lagama filayo in ay ku guleysato ciyaaro badan. Balse waxa ay u badan tahay in ay helaan taageero badan. Mary Harper ayaa Sweden kula kulantay Xulka Qaranka Ciyaaraha Xeegada ee Soomaaliya, warbixintan ayey ka diyaarisay.

Image caption Kooxda Soomaalida ee ciyaarta xeegada.

Warbixinta oo uu inoo soo jeedinayo Xasan Cali Geele, waxa ay ku billaabanaysaa ciyaartooyda Soomaalida oo tababaranaya.