Natiijooyinka Horyaalka Ingiriiska

Tartanka loogu jiro horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska( Premier League) waxaa Sabtidan guulaystay kooxaha Man City, Arsenal, Newcastle, Norwich iyo Crystal Palace.

Waxaa laga badiyay kooxaha Fulham, Stoke, Cardif, Hull iyo West Ham. Waxaa barbar dhac noqday Sunderland iyo Southampton.

Arsenal waxay mar kale ku soo noqotay hoggaanka horyaalka iyadoo yeelatay 51 dhibcood. Waxaa ku soo xigta Manchester City oo leh 50 dhibcood, 3aadna Chelsea oo berrito la ciyaareysa Manchester United.

Cardif, West Ham iyo Sunderland waxay joogaan halka ugu hooseysa kala horreynta kooxaha, waxaana culays badan uu haystaa tababarayaashooda oo qaarna hore shaqada uga tageen qaar kalana la filayo inay dhowaan saameyso hoos u dhaca la soo gudboonaaday kooxohooda inkastoo weli ciyaaro badani u harsan yihiin.