Ribery iyo Benzema oo la maxkamadeynayo

Ribery Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Benzema iyo Ribery

Maxkamadeynta ciyaaryahanada kubadda cagta ee Faransiiska ee Franck Ribery iyo Karim Benzema, oo lagu eedeeyay in ay u galmoodeen haweeney jirkeeda ka ganacsato oo aan qaan gaarin, ayaa waxa ay ka billaabatay magaalada Paris.

Ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara kooxda Bayern Munich, Mr Ribery, oo 30 jir ah, iyo ciyaaryahanka weerarka kaga ciyaara kooxda Real Madrid, Mr Benzema, oo 26 jir ah, ayaa iska fogeeyay in iyagoo og ay lacag ku siiyeen Zahia Dehar in ay u galmoodaan iyadoo ka yar 18 sano.

Waxay wajahayaan ilaa iyo saddex sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya ilaa iyo 55,000 oo doolar haddii lagu helo dambiga.

Midkoodna ma aanu joogin maxkamada markii maxkamadeynta ay dhacaysay, iyadoo loo ogolaaday in qareenadooda ay matalaan.

Dehar, oo haatan 21 jir ah, ayaan iyana joogin maxkamada.

Labada ciyaaryahan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay kharash siiyeen Dehar si ay ula seexdaan iyadoo jirta 16 sano iyo 17 sano.

Labadan ciyaaryahan ayaa waxaa lagu sameeyay baaritaan in ay laaluush siiyeen gabar aan qaan gaarin oo jirkeeda ka ganacsato si ay ula seexdaan.

Eedaha la xiriira hab dhaqana ciyaaryahanada ayaa waxa ay kicisay buuq iyadoo sii hurisay dhaleeceynta siyaasiyiinta Faransiiska ee uu ka midka yahay Madaxweyne Nicolas Sarkozy.

Hasayeeshee labada ciyaaryahan ayaa si wanaagsan uga dhex muuqdo kooxahooda, iyadoo ciyaaryahan Ribery uu galay kaalinta saddexaad ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida 2013-kii.

Dehar oo haatan 21 jir ah, ayaa noqotay qof caan ah kaddib markii ay soo shaac baxday fadeexaddan.