Chalsea oo iibsanaysa Maxamad Saalax

Cayaar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cayaaryahanka Maxamad Saalax

Kooxda Chalsea ayaa iibsaneysa cayaaryahanka qadka dhexe ka cayaara ee u dhashay dalka Masar, Maxamad Saalax.

Maxamad Saalax ayaa haatan u cayaara kooxda Basel ee dalka Swedan.

Salax, oo 21 sano jir ah, ayaa la filaayaa inuu maro shuruudaha heshiiska iyo baaritaanno caafimaad kadib markii Chelsea ay ogolaatay inay 18 milyan oo doolar ku iibsato. Waxaana la filaayaa inuu kol dhow ka soo muuqdo Stamford Bridge.

Liverpool ayaa kol hore wadahadal la gashay kooxda Basel iyadoo rajeyneysay inay iibsato Saalax.

Chelsea ayaa iibisay cayaaryahanka dhexda uga ciyaarayay ee Juan Mata.

Mata oo u dhashay Spain ayaa kooxda Manchester United ay ku iibsatay 60 milyan oo doolar.

Mata oo 25-sano-jir ah ayaa la filaayaa in diyaarad Helicopter ah lagu geeyo garoonka kooxda Manchester United.