Cayaarta Man City iyo Barcelona ee Champions League

Man City Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Manchester City oo la cayaaraysa Barcelona

Fernandinho ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Manchester City oo ciyaar adag oo ka mid ah Horyaalka qaaradda Yurub (Champions League) la yeelaneyso kooxda Barcelona, waana wareega ay isugu yimaadeen 16 koox oo adag.

Ciyaaryahankan qadka dhexe ka ciyaaro ayey Man City waysay sadaxdii kullan ee ugu dambeeyay kadib markii muruqa uu ka dhaawacmay, balse Tababarkii Isniintii ayuu ka qeybgalay.

Balse weeraryahanka gool dhaliyaha ah ee Sergio Aguero ayaa weli dhaawac lamaqan.

"Maciyaari karo. waa eegeynaa inuu ka qeybqaadan karo kullanka sabtida ee Stoke, balse aad bay u adagtahay." Ayuu yiri tababaraha kooxda City, Manuel Pellegrini.

Aguero laguma arkin ciyaaraha tani iyo 29-kii January, kadib markuu ku dhaawacmay ciyaartii ku dhamaatay 5-1 ee Tottenham.

Manchester City, waa markii ugu horeysay ee ay u soo baxdo wareega kala baxa ee 16 ka koox ee ciyaaraha Champions League, waxayna madaxa gelinaayaan mid ka mid ah kooxaha ugu adage e Barcelona, taasoo hadda hogaamineyso horyaalka Spain oo hadda uu loolan adag ka taagan yahay.

Man City ayaa 68 gool dhalisay, 25-kii kullan ee la ciyaaray horyaalka Premier League ee Ingiriiska.

Pellegrini ayaana doonayo inay tusaan Barcelona awoodooda ah inay weeray ku cajiib ah ku qaadi karaan shabaqooda.