Cayaaraha England Premiership iyo FA Cup

Lahaanshaha sawirka Getty

Cayaaraha Premiership-ka maanta waxaa loo kala badiyay sidan:

West Brom 0-3 Man United, waxaa sadexda gool u kala dhaliyay Jones, Rooney iyo Wellbeck.

Cardiff 3-1 Fulham, goolasha cayaartan mid mooyee inta kale qaybtii labaad ayay dhasheen, waxaana u kala dhaliyay. Laba waxaa daqiiqadii 45-aad tii 67 u kala dhaliyay Caulker iyo goolka sadexaad oo ahaa mid ay Fulhan iska dhalisay daqiiqadii 71-aad. Goolka kaliya ee Fulham wuxuu dhashay daqiiqadii 59-aad waxaa u dhaliyay Holtby.

Crystal Palace 0-1 Southampton, goolka kaliya ee Southampton ay ku adkaatay waxaa u dhaliyay Rodriquez.

Norwich 1-1 Stoke, goolka waxaa ku hormaray Norwich oo uu daqiiqadii 56-aad uu u dhaliyay Johnson, balse Stoke daqiiqadii 73-aad ayay rigoore heshay.

Tartanka FA Cup-kana, Arsenal ayaa la cayaartay Everton. Waxay cayaartaas ku dhamaatay 4-1 ay Arsenal ku badisay. Goolka ugu horeeyay Ozil ayaa daqiiqadii 7-aad Arsenal u dhlaiyay , iyadoo Evertonna ay gool barbardhac ah heshay shan iyo labaatan daqiiqo kadib daqiiqadii 32-aad, hase yeeshee dhowr iyo sodon daqiiqo kadib markay cayaartu marayso 68 ayaa rigoore loo dhigay Arsenal waxaa shabaqa dhigay Arteta kadib inta uu Giroud laba goo loo is xiga ka dhalin Everton.