Tartamada ENL iyo koobka FA ee maanta

Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa 7 dhibcood ka horeysa kooxda ugu soo dhow ee hogaaminta horyaalka England Premiership.

Waxay xalay u awood sheegatay kooxda Tottenham.

Chelsea 4-0 ayay dirtay Tottenham oo cayaartoy laga saaray.

Kooxda West Brom waxaa iyadana sadex gool kaga badisay kooxda Man Utd.

Kooxda Cardiff 3 - 1 Fulham ayay uga adkaatay.

Crystal Palace ayaa gurigeeda 0 - 1 Southampton ay uga adkaatay.

Norwich iyo Stoke 1 - 1 ayay ku kala baxeen.

Maanta cayaaro FA CUP ah ayaa jiray:

Cayaarta dhex martay kooxaha Sheff Utd iyo Charlton, waxaa ku guulaysatay kooxda Shefield United oo dhalisay 2 gool halka Chartlon aysan waxba dhalin.

Kooxd Hull, waxay 3-0 uga badisay Sunderland.