Chelsea oo u gudubtay querter-finalka Champions League

Chelsea Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tababaraha Chelsea Mourinho

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku noqotay booskeeda saxda ah kadib markii ay u gudben wereega sideeda koox ee horyaalka qaaradda Yurub ee Champions League.

Kooxda Chelsea ayaa xalay 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Galatasaray, oo marti ku ahayd karoonka Stamford Bridge, waxayna noqoneysaa in labada kulan ba ay ku adkaaday Chelsea 3-1.

Balse kooxda waxay ahayd tii ugu horeysay ee kufto xilli ciyaareedkii hore, iyadoo ahayd kooxdii koobka difaacaneysay. Mourinho ayaa sheegay "Inay yihiin kooxda Champions League ayna kamid yihiin sideeda koox ee ugu wanaagsan caalamka," wuxuuna intaa ku daray "in ciyaartoydiisa ay u qalmaan meesha ay hadda gaareen."

Waxaa ay noqon karaan kooxda keli ah ee Ingiriiska ka socoto ee ka mid noqota kooxaha ku tartamaya Champions League-ga, haddii Man United ay caawa harto. Manchester united ayaa la ciyaareysa Olympiakos, lugtii hore waxa Man U lagu garaacay 2-0.

Manchester City iyo Arsenal horey ayaa dibadda looga tuuray.

Chelsea waxaa suura gal ah inay wajahdo kooxaha Barcelona, Real Madrid, Pep Guardiola's Bayern Munich iyo Atletico Madrid.