Kulanka Sabtidan ee Chelsea iyo Arsenal

Arsenal
Image caption Ciyaartoy Arsenal ka tirsan

Sabtida waxaa jirta ciyaar aad u qiima badan oo dhexmaraysa kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Chelsea waa kooxda hoggaanka u haysa tartanka horyaalka waxayna leedahay 66 dhibcood. Liverpool iyo Arsenal ayaa ku soo xiga oo mid waliba ay leedahay 62 dhibcood. Manchester City ayaa kaalinta 4aad ku jirta iyadoo leh 60 dhibcood.

Ciyaarta Sabtida waxay noqonaysaa ciyaartii 1000aad ee tababare Arsene Wenger uu maamulo kooxda Arsenal.

Idaacadeennu Sabtida waxay hawada soo gelaysaa 2-duhurnimo ee waqtiga Afrikada bari, waxayna socon doontaa ilaa lixda maqribnimo sababta oo ah ciyaarta Chelsea iyo Arsenal waxay bilaabanaysa 12:45 daqiiqo waqtiga London.