Ramsey oo Arsenal dib ugu soo noqday

Arsenal Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Laacibka Arsenal dhexda uga ciyaara, Ramsey

Laacibka qadka dhexe uga ciyaaro Arsenal Aaron Ramsey ayaa ciyaari doono kullanka Axadda ay Arsenal la leedahay kooxda Everton.

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Aaron Ramsey uu ka ciyaarayo dhexda kullanka Axadda ee ka dhici doono Goodison Park oo ah garoonka Everton.

Ciyaaryahanka oo 23 sano jir ah ayaa 13 gool dhaliyay 27 kullan, ka hor inta uusan ku dhaawacmin ciyaarta ay Arsenal la yeelatay West Ham taasoo ku dhamaatay 3-1, waxayna ciyaartaasi dhacday dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore.

Maamulaha Arsenal, Wenger ayaa sheegay "In haysashada qof la mid ah Ramsey, oo caawinaya kooxda ay tahay guul muhiim ah,"

Arsenal oo kaalinta afaraad kaga jirto horyaalka, waxay afar dhibic oo keli ah ka horeysaa Everton oo Axadda kulanka marti gelineysa.

Kadib markii Arsenal looga adkaaday 6 gool, ciyaartii Chelsea iyo barbardhac ay hoygeeda kula gashay Swansea, tababaraha kooxda wuxuu dareemay in Arsenal ay hoos u socoto, iyadoo ay karoonka Emirates ay bareejo kula galeen Manchester City.

Todobo dhibic ayey ka hooseysaa Arsenal kooxda hogaamineyso ciyaaraha Premier League.