Loollanka horyaalka kooxaha Ingiriiska

Everton Logo Lahaanshaha sawirka everton
Image caption Calaamadda lagu yaqaan Everton

Everton rajadii ay ka lahayd inay ka mid noqoto kooxaha ka ciyaaraya tartanka Yurub ee Champions League waxaa ku dhacday dharbaaxo aad u weyn kaddib markii looga badiyay labo gool oo hadiyad ay u siiyeen Southampton.

Ciyaaraha kale waxay kooxuhu waxay u kala badiyeen:

Fulham 2-2 Hull

Stoke City 0-1 Tottenham

Swansea 4-1 Aston Villa

West Brom 1-0 West Ham

Berrito waxaa iska hor imaanaya kooxaha:

Liverpool iyo Chelsea

Crystal Palace iyo Manchester City

Sunderland iyo Cardif City

Haddii laga badiyo Chelsea waxaa halkaas ku dhammaanaysa rajadii ay ka qabtay inay sanadkan horyaalka qaaddo iyadoo hadda ku jirta kaalinta 2aad.

Sidoo kale haddii laga badiyo Manchester City waxaa yaraaneysa rajadeeda qaadista horyaalka oo hadda ay kaalinta 3aad kaga jirto.