Chelsea oo tababare laga ganaaxay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Caawiyaha Mourinho oo la celinayo kadib markuu ladagaalay garsooraha

Caawiyaha tababaraha kooxda Chelsea Rui Faria ayaa laga mamnuucay inuu garoonka imaado lix ciyaar kadib markii uu qilaaf sameeyay ciyaartii ay Sunderland ay uga adkaatay 2-1.

Rui Faria oo u dhashay dalka Portuqaal ayaa isku deyay inuu garsoorihii ciyaarta Mike Dean kula loolamo rigoore la siiyay, taasoo ahayd midii Sunderland u fududeysay inay kaga bidiyaan Chelsea.

Xilligaasi garoonka ayaa laga saaray, wuxuuna qirtay laba qalad. Faria, oo sidoo kale xaq u leh inuu racfaan qaato ayaa lagu ganaaxay inuu bixiyo £30,000.

Xannibaadan ayaa saameyneyso labada ciyaar ee Chelsea u harsan ee kala ah, tan ay gurigooda kula yeelanayaan Norwich iyo tan ay aadayaan garoonka kooxda Cardiff – afarta ciyaar ee kale ayaa noqonayo kuwa ugu horeeyo xilli ciyaareedka dambe ee soo socda.

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa weli diidan qaladaadka lagu eedeeyay kadib markii ay guuldaro ka soo gaartay naadiga mukulaalaha madmadow.

eedaha ayaa la xiriira hadalo uu ka sheegay u mahadnaqidda garsoorehis Dean iyo Mike Riley, oo ah madaxa guddiyada garsoorayaasha horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

laacibka qadka dhexe Ramires ayaa dhankiisa lagu ganaaxay inuusan ka qeyb galin afar ciyaar kadib qalad uu galay isla ciyaartaasi, wuxuuna u il-jebiyay Sebastian Larsson oo ay diideen amarka garsoore Dean.