Cardif iyo Fulham oo ka dhaceen tartanka

Fulham manager Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maamulaha kooxda Fulham ee dhacday

Kooxaha Cardiff iyo Fulham ayaa ka dhacay tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska kaddib markii Cardif oo xilli keliya ka ciyaartay tartankan ay reebtay Newcastle oo 3-0 gool uga badisay, halka Fulham oo 13 sano ka tirsanayd kooxaha horyaalka ka ciyaara ay guuldarro weyn oo 4-1 gool ah kala kulantay Stoke.

Ciyaaraha kale waxay kooxuhu ku kala baxeen:

West Ham 2-0 Tottenham

Aston Villa 3-1 Hull

Swansea 0-1 Southampton

Manchester United 0-1 Sunderland

Tartanka horyaalka sanadkan oo lagu tilmaamay kii ugu adkaa taariikhdiisa ayaa weli waxaa uu ku socdaa si la yaab leh oo aan hore loo arag, iyadoo ilaa iyo haatan oo labo ciyaarood oo keliya ka harsan tahay aan la ogeyn kooxda qaadi doonta.

Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa inuu u dhexeeyo saddex kooxood oo kala ah Manchester City, Liverpool iyo Chelsea, siiba labada hore.

Kooxaha ka dhaca tartanka horyaalka waxay ka ciyaarayaan koobka kale ee loo yaqaan Championship.