Donald Sterling
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Milkiilo koox oo cayaaraha laga mamnuucay USA

Milkiilaha kooxda kubadda Baaskitka ee LA Clippers ee dalka Maraykanka ayaa lagu ganaaxay laba iyo bar million oo doolar, waxaana laga mamnuucay cayaaraha inta uu nool yahay kadib markii uu ku hadlay erayo cunsurinimo.

Billionaire Donald Sterling ayaa dhexda u taagnaa duufaan khilaaf ah oo ku saabsan hadalo cunsurinimo ah oo lagu eedeeyay in uu ku dhahay gabar ay horay iskula noolaayeen.